Victoriada Daqamada-badan

Victoria waxay ka mid tahay meelaha ugu badan oo ay ku nool yihiin mujtamacyada aadka u kala duwan iskuna xiran ee adduunka. Waxaan ka kala nimid 200 waddan, waxaan ku hadalnaa 260 luqadood ama lahjadood, waxaana kala raacsanahay 135 diimood oo kala duwan.

Dowladda Victoria waxay taageertaa mujtamaca isku xiran oo dhaqamo-badan leh halkaas oo qof kastaa uu ka qaybgeli karo bulshada uuna heli karo adeegyo asagoon loo eegayn asalka dhaqankiisa, luqadiisa ama diintiisa.

Dowladda Victoria waxay ku caawin kartaa bulshooyinka dhaqamada-badan:

  • Deeqaha bulshada ee munaasabadaha, kooxaha da’da ah, taageerada haya’daha, dugsiyada luqadaha bulshada iyo mashruucyadooda.
  • Deeqaha dhismeyaasha si loo dhiso ama loo hagaajiyo dhismeyaasha iyo tas-hiilaadka
  • Taageerada mashruucyada wax ka qabanaya arimaha bulshada oo ay ka midka yihiin baahiyaha dejinta
  • Mashruucyada wada-hadalka dhaqamada iyo diimaha si loo horumariyo is-fahamka dhaqamada iyo diimaha kala duwan iyo si loo horumariyo iskaashiga bulshada

Waxaan kaloo u dabaal degaynaa kala duwanaanteena munaasabadaha waaweyn oo ay ka midka yihiin: Cashada Gala ee Premierka (Premier’s Gala Dinner), Toddobaadka Kala-duwanaanta Dhaqamada (Cultural Diversity Week), Dabaaldegga Dhaqamada-badan ee Viva Victoria (Viva Victoria Multicultural Festival) iyo Abaalmarinta Dhaqamada-badan Victoria ee Sarraynta (Victoria’s Multicultural Awards for Excellence).

Kula soo bax macluumaadka luqadaada.

Events Calendar

  • 26 Jun

    The Inaugural African Diaspora Women Summit - “Celebrating African Women, Their Voices”

    more >
  • 28 Jun

    Vi racconto Pirandello, con Mimmo Mangione

    more >
  • 29 Jun

    Emerge in Yarra 2017

    more >
  • 30 Jun

    Nabaddoon Art Exhibition

    more >
find more events here >