|
Ku soo dhowaada Golaha Dhaqamada badan ee Fiktooriyha Golaha Dhaqamada badan ee Fiktooriya (Victorian Multicultural Commission (VMC) ) waa haa'yad sharci oo madax bannaan oo ay ka go'an tahay dhawrida wada noolaanshaha iyo dhiirigelinta ka qaybgalka buuxa ee bulshooyinka diin, luuqad iyo dhaqan ahaanba kala duwan ee Fiktooriya dhammaan wejiyada nolosha ee Fiktooriya. Hawlaha iyo ujeedooyinka Golaha sida ku cad Sharciga dhaqamada badan ee Fiktooriya 2004, waxaa ka mid ah taageerida iyo awoodeynta bulshooyinka, kor u qaadida midowga iyo fahamka iyo u dabaadegida kala duwanaanta dhaqanka Fiktooriya. Bilowyada ugu waa weyn ee VMC waxaa ka mid ah:
- Barnaamijka Deeqaha Bulshada (Community Grants Program )– wuxuu bixiyaa maalgelino hoos imanaya toddoba marxaladood: Taageerada Ururka, Dadka Waa weyn, Tasiilaadka iyo Dhismaha, Dhacdooyinka iyo Feestooyinka, Xoojinta Bulshooyinka Dhaqamada badan, Nashaadka Diimaha badan/Isdhexgalka diimaha iyo Barnaamijyada Waxbarashada.
- Maalgelinta Horumarinta Goobo Dhaqameedka (Cultural Precincts Enhancement Fund) – iyadoo lagu maalgelinayo $10 milyan muddo saddex sanno ah si kor loogu qaado firfircoonida saddex goobo dhaqameed bartilmaameed wakhti dheerna soo jiray oo ay Melbourne leedahay: Wadooyinka Little Bourke, Lonsdale iyo Lygon .
- Billowga Kor u qaadida Wanaag ku wada noolaanshaha (Promoting Harmony Initiative) - mashruucyo fara badan oo loogu talagalay in lagu xoojiyo oo dib loogu adkeeyo sumcada Fiktooriya sidii bulsho soodhaweyn leh iyo wada noolaansho wanaagsan. Waxaa ka mid ah Toddobaadka Dhaqamada kala duwan, ololaha Inaga oo Dhan, Isdhexgalka diimaha iyo nashaadka diimaha badan iyo hawlgelinta dhalinyarada.
- Istiraatijiyada Adeegyada Luqada (Language Services Strategy) – waxay kor u qaadeysaa isticmaalka wax ku oolka ah ee turjumaanada si ay u sahlaan isticmaalka adeegyada dawlada wuxuuna ujeedadiisu yahay in la horumariyo oo la xoojiyo tayada iyo helida turjumaanada ee Fiktooriya.
- Barnaamijka Ficilka ee Qaxootiga (Refugee Action Program) – iyadoo la kaashanayo wakaaladaha ugu muhiimsan iyo bulshada qaxootiga ah barnaamijkan gobolka oo dhan ee bulshada wuxuu bixinayaa taageero muhiim ah qaxootiga dhawaan yimid Fiktooriya iyo soogalayaasha bani'aadaniyo.
VMC waxay sidoo kale xiriirinaysaa tiro guddiyo la tallin ah oo ah hogaamiyayaasha bulshada, hogaamiyaayasha diimaha, dawlada hoose iyo dhalinyarada si loo go'aamiyo baahiyaha bulshooyinka dhaqan ahaan, diin iyo luuqad ahaanba kala duwan ee Fiktooriya. Daabaacaadan soo socota ee VMC waxaa sidoo kale lagu helayaa [SOOMAALI]:
Si laysugu xiro ururada kale ee meeshaad degan tahay ka jira ama bulshada gal Community Resources Directory kuna raadi goob ahaan ama koox jinsiyadeed.
|
|
Last Updated on Thursday, 09 May 2013 15:43 |